Taliska Amisom oo Ka Hadlay Howlgalada Ka Socda Gobolka Shabelaha Hoose

0
42

Taliska howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war ka soo saaray la wareegista dhowr deegaan oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladda federaalka kala wareegeen Al Shabaab.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyay guusha ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Madeira ayaa sheegay in la wareegida Tuulada Sabiit ay muhiim u tahay in laga hortago weerarada Xarakada Al Shabaab ku diyaariso gobolka ee laga fuliyo magaaladda Muqdisho.

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa imanaya kadib kolkii maalintii shaley ay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya shaacisay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab ka saareen deegaanada Baladul Amiin, Cumar Berre, Sabiit iyo Caanoole oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.