Dhegeyso:Gaari Hilib Ku Rarnaa oo Ka Yimid Kawaan Ku Yaala Degmada Kaaraan oo Lagu Xanibay Isgeyska Sanca

0
42

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay Isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho waxa ay ku xayireen Gaari nooca soomaalida u taqaano Caasi ama HOMEY, kaas oo Hilib ka keenay Kawaan Bari degmada Kaaraan ee Xoolaha lagu qalo isaga oo kuna wajahnaa Kawaanka Hilibka degmada Xamarweyne.

Ganacsatada leh Hilibka ayaa waxaa ay sheegeen in uu wado Gaariga in ka badan 9 neef oo Geel ah,isla markaana subax kasta ay geeyaan Kawaanka degmada Xamarweyne, hayeeshee saakay lagu xayiray Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.

Mid ka mid ah Ganacsatada leh hilibka saaran Gaariga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gaariga amarka lagu xanibay uu bixiyey taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan.