Qaab Maamulka Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo Maanta wax Laga Bedelay

0
136

Warar aynu ka helney magalada muqdisho ayaa inoo sheegaya in maanta isbedel weyn lagu sameeyey taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayadoo wax badan laga bedelay maamulka ciidanka.

Waxaa meesha laga saaray Ama la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka, islamarkaana qaabilsan hoggaaminta iyo abaabulka dagaallada.

Xilal ka hooseeyay Abaanduulaha ayaa kor loo soo qaaday sidda taliska Ciidanka lugta oo loo Magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xilkii abaanduulka ayaa la sheegay in loo bedelay hab maamul ka duwan sidii ay horay ugu shaqeyn jireen Abaanduulayeyaasha Ciidanka xoogga dalka, waxaana loo Magacaabay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada.