Madaxtooyada oo Ka Hadashay Weerarkii Maanta Lagu Qaaday Xarunta Universal tv ee Magalada Muqdisho

0
49

Madaxtooyadda Somaliya ayaa waxa ay ka hadashay falkii Ciidamo ka tirsan kuwa qaada Canshuuraha ay ku weerareen Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, wuxuu si adag ugu cambaareeyay falka lagu weeraray Xaruna Tv-ga.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in kiiska arrintaan hadda ay gacanta ku hayaan Taliska Ciidamada Booliska, uuna rajeynaayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

Ugu dambeyn Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sheegay in aanan marnaba loo dulqaadaneyn Ciidanka loogu talo galay ilaalinta sharciga inay iyaga sharcidaro sameeyaan.