Ciidmo Saaka Weerar Ku Qaaday Xurunta Tv-ga Universal Ay Ku Leedahay Magalada Muqdisho

0
41

Warar goor dhaw naga soo gaaray magalkada muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada ay ku qamaameen xurunta Tv ga Universal ay ku leedahay magalada muqdisho.

Wariye ka tirsan TV-ga Universal ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana la maqlayo rasaas xoog leh oo ay siweydaarsanayaan ciidamada weerarka soo qaaday iyo ilaalada xarunta.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta weerarka loogu qaaday xarunta TV-ga Universal, hasse ahaatee ciidamada weerarka qaaday ayeey wararku sheegayaan in ay ka tirsan yihiin waaxda canshuuraha.