Alshabab iyo Ciidamada Dowlada oo Xalay Ku Dagaalamay Deegaanka Buula Mareer

0
50

Ciidamada dowlada oo taageero ka helaaya ciidanka Amisom ayaa ahbeenkii xalay kula dagaalamay Alshabab deegaanka Buula mareer ee gobolka shabelaha hoose kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab xalay weerareen Saldhigyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay nay xalay ay maqlayeen rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hasayeeshee aysan weli cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Xaalada deegaanadii xalay lagu dagaalamay ayaa ah mid degan ayadoo aysan weli ka hadlin qasaaraha dhanta ah ee soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi xalay ku dagaalamay.