War Deg Deg Ah Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Hotel Wehliye ee Magalada Muqdisho

0
32

Qarax aad u weyn oo qasaaro badan geystay ayaa goor dhaweyd ka dhacay agagaarka Hotel wehliye ee magalada muqdisho qaraxan ayaa dhawaqiisa laga maqlayey guud ahaan degmooyinka magalada muqdisho.

Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in gaari qaraxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay maqaayad lagu magacaabo Filsan oo aan sidaas uga fogeyn agagaarka hotel wehliye.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada ka dhacaya magalada muqdisho ayaa beryahan joogto noqday kuwaasi oo dhacay maalin walba taasoo shacabka magalada muqdisho ku beertey cabsi aad u badan.