Dhegeyso: Madaxweynaha oo Sheegay In la Dhameystiray Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka

0
48

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dhamestirtay hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo dib u eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sheegay in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.