Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo Dhamaadka Sanadkan Albabada La Isugu Dhufan Doono

0
78

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xireyso Xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin Kumanaan qaxooti ah oo u badan Qaxooti Soomaali ah.

Wakaalada wararka AFP ayaa baahisay inay heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, isla markaana Kenya ay xeri doonto dhamaadka Bisha Agoosto ee Sanadkaan.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.

Sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal Saddexaad.

Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo Soddon jir satay ayaa waxaa ku nool 230,000 oo qaxooti ah,kuwaas oo badan kood ah Soomaali ka barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.