Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Furay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Shacabka

0
26

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardar geliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.