Maxkamada Ciidanka Qalabka-Sida oo 8 Sano Xarig ah Ku Xukuntey Ciidamo Isbaaro u Tiilay Mukuyga Degmada Afgooye

0
86

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday 5 ruux oo ayagoo jidgooyo u taala Mukeyga degmada Afgooye laga soo qabtey, Shantan ruux ayaa labo ka mid ah waxaa ay ka tirsan yiihiin ciidanka xooga dalka somaliyeed halka seddexda kale ay yihiin maleeshiyo beeleedyo ku heyb ah labada askari.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay
ururinta ururinta balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi.

5tan Burcad ayaa lasoo xiray taariikhdu kolka ay eheyd 05-01-2019 ayadoo isla markaasi lagu wareejiyey dacwadooda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Muddo ayay ku qaadatay Xafiiska baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019 codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in dambiga ay galeen ay ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qoraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah.