Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Digniin u Direy Dadka Dhisanaaya Jid Cadayaasha

0
27

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng, Yariisow ayaa waxaa uu digniin culus u diray dadka sida sharci darrada ah dhismayal uga sameysta wadooyinka.

Waxa uu sheegay in cidii gurigeeda xilliyada ay dhisaneyso kusoo dhaweysa wadada ay tallaaba ka qaadi donaan waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay arrintaasi garab weyn Maamulka ku siiyaan si looga hortago.