Beesha Caalamka oo Soo Dhaweeyey Dadaalka Ay Xukukmada Ku Wado Dib u Habeynta Ciidamada

0
36

War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Britain, Mareykanka, ayaa lagu sheegay in ay ku taageerayaan qorshaha uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee ku aadan sudiga nabadgeliyada dalka.

Waxaa ay sheegeen in hadii ay dhaqan galaan qodobadan ay xuseen ay horseedi karaan degnaansho, iyo barwaaqo ka dhacda Soomaaliya iyo gud ahaan gobolka, waxaa sidoo kale ay ku booriyeen hogaamiyaasha Soomaalida in laga wada qeyb galo hanaankii looga miro dhalin lahaa horumarka iyo nabadda dalka.

Beesha caalamka ayaa in mudo ahba waxaa ay walaac ka muujineysay qaabka ay u dhisan yihiin ciidamada dowlada iyo inta ay la eg tahay tiradooda taasoo ay ku bixinayeen qarash aad u badan, Dhinaca kale beesha caalamka waxaa y in mudo ahba xukuumada ka dalbaneysay in tirakoob sax ah lagu sameeyo ciidmada.

Hadal kan ayaa ka dambeeyey kadib kulan uu dhawaan Rai’iusl wasaaraha Soomaaliya kula yeeshey wakiilada beesha caalamka iyo AMISOM, iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha horumarineed oo ay wado dowladda iyo sidii loo taageeri lahaa.