Qarax Kol Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Isgoyska Wadada Taleex

0
27

Qaraxaan oo loo maleynayo in ahaa miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Taleex ee Magalada Muqdisho, Kaasoo dhawaaqiisa laga maqlayey degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir.

Gaariga bomba lagu xiray ayaa ahaa kuwa ay somalida u taqaano Sarufta awaxaana qasaaro badan oo ka dhashay ayadoo gaariga uu weli haatan gubanaayo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goordhow gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray dhamaan wadooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Si kastaba arintu ha ahatee qaraxyada ka dhacaya magalada muqdisho ayaa noqday beryahan dambe qaraxyo marar badan soo noqnoqday taaoo ay xukuumada weli aysan u helin xal sidii lagu soo af jari lahaa qaraxyadan soo noqnoqday.