
Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho
Socdaalka Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro dhameystirka heshiiska Jubbaland iyo dowladda dhexe, isaga oo dhawaan Kismaayo ka sheegay in uu tago magaalada Muqdisho isaga oo la kulmaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhawaan ayey eheyd kolkii uu reysulwasaare Xassan Cali Kheyre uu meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada kismaanyo isaga oo muujinaya isku soo dhawaashaha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.
