
Kulan la sheegay iney soo agaasimeen Igad ayaa la sheegay in maalintii shaley uu ka dhacay Hotel Sarena oo ku yaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Kulankaasi oo u dhexeeyey Xubnihii isbedel doonka Koonfur Galbeed iyo Cabdicasiis Lafta Gareen.
Kulanka ayaa yimid kadib kolkii Madaxweynaha la magacaabay ee koonfur galbeed uu Cabdicasiis Lafta Gareen uu cadaadis badan oo dhinaca dhaqaalaha kala kulmay Hay’adaha ka howl gala deegaanada koonfur galbeed kadib kolkii magacaabistiisa ay ka dhalatey dhibaatooyin badan oo soo gaaray dad shacab ah.
Labadan Garab oo ay dhexdhexaadineysay Igad ayaa la sheegay in diirada lagu saarayey sidii loo sameyn lahaa maamul wadaad iyo weliba in meel la isla dhigo wax alaale iyo wixii dhibaato ay sababeen magacaabista Cabdicasiis Lafta Gareen isla markaana gacmaha la is qabsado si looga gudbo caqabadaha hor taagan maamulka.
Qaar ka tirsan dadkii kulankaasi ka qeyb galey ayaa sheegaya in Kulankaasi la isla soo qaaday dhowr qodob oo ay ugu horeeyaan in laga wada shaqeeyo siideynta Mukhtaar Roobow oo xukumada ugu xiran si sharci daro ah, Waxaa kaloo la isla soo qaaday sidii raali gelin looga bixi lahaa dadkii maatada ahaa ee halkaasi lagu laayey iyo kuwa sida sharci darada ah loogu xirxeray magalada Baydhaba.
Kulanka ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan Cabdicasiis Lafta gareen iyo golaha isbedel doonka wixii natiijo ee kasoo baxana waa wax umada dhan ay indhaha ku heyso, Walow dhowr jeer oo hore ay Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Maxamed Mursal ay u balan qaadeen siideynta Mukhtaar Roobow balse aysan noqon mid dhabowda.