
Guddoomiye Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada Gobolka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda.
Duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu daah furayay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, kaas oo lagu qabtay Muqdisho.