Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Shaqada Iyo Shaqalaha oo Ku Geeryooday Weerarkii Alshabab

0
179

Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa maanta ku geeriyooday weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaarradda,

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxana gaaridiisa xaqiijiyay qaar ka mid ah gobolaha Wasiirradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha ugu jiraan dhismaha wasaaradda.