Alshabab oo Weerar Ku Qaaday Xafiiska Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha

0
116

Qaraxyo is xig xigay ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dabley hubeysan ay weerareen wasaarradda Shaqada xukuumadda Soomaaliya oo ku taala Isgoyska Jubba.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax-yaabaha qarxa, waxaana xigay rasaas xoogan oo halkaasi laga maqlay .

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen,waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla maqaayado iyo xarumo kale.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qarax-yadaasi.