Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug oo Madaxada Xukuumada Ugu Baaqay Iney Xilka Isaga Degaan

0
129

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducalle Geelle Xaaf ayaa Ciidanka dowladda ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu laabtaan Furimaha dagaalka ee ay kasoo baxeen.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxda dalka ay fashilmeen, islamarkaana Ciidanka looga baahan yahay in ay difaacaan dalkooda oo aysan aaminin in Madaxda dalka ay leeyihiin dalka.

Xaaf ayaa Walaac ka muujiyay Gadoodka Ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka la daryeelo si aysan dhibaato kaga dhalan.

Xaaf ayaa xusay in Madaxda ay haboon tahay in ay ka deggaan Hoggaanka dalka Maadaama xaaladda ay sii xumaaneyso, islamarkaana weeraro Joogto ah iyo Qaraxyaddana ay ka socdaan Muqdisho.