Daawo: Reysulwasaare Kheyre oo Ka Tacsiyeeyey Dadkii Maanta Ku Dhintey Qarixii ay Maleegtay Alshabab

0
173

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.