
Maamulka Hir-Shabelle ayaa faah faahin ka bixisay xaalada guud ee amni ee deegaanadii ay kasoo baxeen ciidamada ka cabanayay mushaar la’aanta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in deegaanadii ay ciidamada kasoo baxeen ay weli joogaan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo horay mushaar loo siiyey.
