Dhegeyso Maamulka Galmudug oo Ka Jawaabay Hadal Shalay Kasoo Yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha

0
177

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in Galmudug aysan u baahneyn faragelin,isla markaana Dastuurkeeda ay u madax banaan tahay iyo xilliga ay dhaceysa doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka isaga oo ka jawaabayay hadalkii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in deegaanada Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu xilka haayo halsano kaliya,isla markaana waqti xileedkiisa uu ku egyahay sanadka 2021 oo ay doorashada dhaceyso.