
Warar inaga soo gaaraya deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay uu halkaasi dagaal culus ku dhex maray ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ka bilowdey kadib kolkii xoogaga Al-shabab ay weerar culus kusoo qaadeen Saldhigyo ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ku lahaayeen halkaasi taasina ay sababtey in uu dagaalka ka bilowdo kaasoo socdey in ka badan laba saacadood.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo aan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay weerarrada ka geystan xoogaga Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.