
Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada gobolka shabelaha hoose Cabdifataax Cabdulle yusuf oo la hadlay warbaahinta qaranka barnaamijkeeda Raadraac ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada guud ee gobolka shabelaha hoose ee ay ugu horeyso dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee gobolka yaala.
Cabdifataax ayaa sheegay in gobolka shabelaha hoose uu yahay gobolka ugu qanisan dalka somaliya lehna xeebo iyo webi inta badana waa deegaano ay kasoo baxaan dalagyada ugu badan ee dalka laga istimaalo, Nasiibdarase dhinaca kale waxaa uu noqdey deegaanka ugu amniga xun ee dalka somaliya.
Cabdifataax ayaa sheegay in inta badan amniga deegaanada gobolka ay dhibaatooyin badan ku hayaan kooxaha alshabab iyo weliba maleeshiyo beeleedyo qaarkood ku labisan dareyska dowlada isla markaana dhibaato u geysanaaya shacabka deegaanka.
Cabdifataax Cabdulle Yusuf ayaa ah shacqsiga keliya ee mar walba ka hadla dhibaatooyinka yaala gobolka shabelaha hoose, sida aynu la socono gobolka waxaa uuleeyahay in ka badan 30 xildhibaan oo ku jira Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, Wasiiro iyo Wasiiir ku xigeeno ka tirasan Golaha Wasiirada hadana marnaba iskuma mashquuliyaan in ay ka hadlaan xaalada dhabta ah ee ka jirta gobolka waana uu ku amaanan yahay cabdifataax howsha uu hayo gobolka.