
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah gobollada dalka dalka Soomaaliya oo ay ku lahaayeen saldhigyo militari, iyaga oo ka cabnaya in ay san helin xuquuqdii ay lahaayeen.
Ciidamada dowladda ayaa meelaha ay ka baxeen waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Jowhar, degmada Mahadaay Qalimow iyo Garsaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaarkood oo la hadlay ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameynayaan tahay in ay muddo dheer aysa wax mishaar ka ah helin dowladda, sidaa daraadeed go’aasadeeen in ay isaga oo baxaaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Ciidamada ayaa si adag u beeniyay hadalkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ee ahaa in uusan jirin Askari diiwaan-gashan oo aan la siin mishaarkii uu xaq u lahaa, iyaga oo ku doodday in ay ka mid yihiin askarta la diiwaan-gashay islamarkaana helin wax mishaar ah.
