
Hey’adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay.
Warbixin ay maanta oo soo saartay Amnesty oo aan kasoo xiganay wakaaladda wararka AFP ayaa lagu sheegay in weeraradani loo adeegsado madaafiic xoog leh ay ku dhinteen dad rayid ah.
Amnesty waxay sheegtay in labadi sano ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 100 weerar oo cirka ah. Tiradan ayaa ka badan bay tiri hey’addani duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyay dalalka Yemen iyo Libya labadi sano ee lasoo dhaafay.
Warbixinta ayaa sheegaysa in baariitaanno lagu sameeyay kaliyah shank a mid ah weeraradaasi lagu ogaaday in dadka lagu dilay ay ka mid ahaayeen 14 ruux oo rayid ah ayna jiraan qaar badan oo aan la ogeyn.
