
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay xukun dil ah ku xukuntay rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka qeyb qaateen weeraro iyo dilal ka dhacay Magalada Muqdisho.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar, waxana Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay sheegtay in raggaas ay ka dambeeyeen weerarkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka,sidoo kale ka qeyb qaateen weerarkii Hotelka Saxafi iyo qarixii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in raggaas ay sidoo kale qeyb ka qaateen abaabulka qaraxii Xarunta degmada Howl-Wadaag iyo weeraro iyo dilal kale oo dhacay Magaalda Muqdisho.
