
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladda jabuuti ay Soomaaliya u tababartay Ciidamo Boolis ah oo ay tiradooda gaareyso 2,600, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga dalka.
Waxaana uu sheeagay in cidamada kusoo tababarta dalka jabuuti ay boqolkiiba boqol ka fiican yihiin kuwa kusoo tababartaa dalalka kale ee aan deriska nahay iyo weliba qaar ka mid ah kuwa tababarada siiya ciidanka boliiska.