
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaankaas oo mudo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kaliya ay saakay arkeen Ciidamada Kenya oo isaga baxaya Saldhigyadii ay ku lahayeen deegaanka Buusaar, kuwaas oo aaday dhinaca degmada Ceelwaaq ee isla Gobolka Gedo.
Saraakiisha Ciidamada Kenya weli mashaacin sababaha ay deegaankaas uga baxeen, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada Kenya 2-dii Bishaan Maarso ay isaga baxeen deegaanka Faafax dhuun, isla markaana ay la wareegeen Al-Shabaab.
Maamulka deegaanka Buusaar ayaa horay u sheegay in Ciidamada Kenya ay dhawaan ka bixi doonaan deegaankaas, hasayeeshee aysan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysa.
