Baroordiiq Loo Sameeyey Qafaalashadii Mukhtaar Roobow iyo Xasuuqii Loo Geystay Shacabka Reer Baydhaba oo Lagu Qabtey London

0
47

Kulan ay isugu yimaadeen jaalliyadda Koonfur Galbeed ee wadanka UK iyo Golayaasha kala ah:-Golaha wadatashiga koonfur galbeed, Golaha isbadal-doonka koonfur galbeed iyo Xizbiga Amni iyo Cadaalad ayaa habeenkii xalay ka dhacay Magaalada London.

Kullanka ayaa ahaa Baroor-diiq loo sameeynaayay shacabkii lagu xasuuqay Magaalada Baydhabo Dec 13 ilaa iyo Dec 15 ee 2018 iyo Qafaalashadii Murashaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow oo ay ka wareegtay Sagaashan maalin-guura iyadoo aysan weli Xasuuqaasi iyo Tacadiyaadkii ka dhacay magaalada baydhabo aysan weli helin Cadaalad .

Masuuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa ku Baaqay in ay helaan Cadaalad Dadkii lagu xasuuqay magalada baydhaba iyo Murashax Madaxweeyne Mukhtaar Rooboow waxeyna Cambareeyeen Kuwii ka danbeeyay Gabood-faladaasi.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban dhoowr Qodob:-

1- Beesha Caalamka in ay usoo dirto Gudi Caalami ah oo baaritaan ku sameeya falkii waxashnimada ahaa ee ka dhacday magalada baydhaba xiligii doorashada maamulka koonfur galbeed December 13 ilaa December 15 2018.

2- Beesha Caalamka iyo Hey’adaha Xuquuqal Insaanka ee Caalamka in ay ku cadaadiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay helaan Cadaalad Dadkii lagu xasuuqay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada baydhabo.

3- In si deg-deg ah Murashax Madaxweeyne Mukhtaar Rooboow Cadaalada loo hor keeno ama Xuriyadiisa la siiyo.

4- In dowlada Federaalka ay si deg deg ah u garab istaagto dib u heshiisiintii uu soo bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka soomaaliya Maxamed Mursal isla markaana ay faraha kala baxdo arimaha koonfur galbeed.

5- In si deg deg cadaalad cadaalada loo hor keeno dadkii ka dambeeyey dhibaatooyinkii ka dhacay magalada baydhaba haddii kalana shacabka ayaga ayaa cadaalada gacantooda ku keensan doona.