Maddaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Booqday Dadkii Ku Dhaawacmey Qaraxii Ka Dhacay Maka Al Mukarama

0
24

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saakay booqday Isbitaalka Madiina, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii habeenkii Khamiista ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.