Dhegeyso:Madaxweynaha Galmudug Garabka Cadaado oo Sheegay In La Kala Diri Doono Baarlamaanka

0
28

Madaxweynaha Galmudug garabka lagu doortay Cadaado Axmed Maxamuud Baasto ayaa sheegay in 4-ta Bil ee soo socota Gudaheeda la kala diri doono Xildhibaanada, sidoo kalena la soo xuli doono Xildhibaano Cusub si ay u dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in laga maarmaan ay tahay in la kala diro Xildhibaanada, isla markaana doorashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Galmudug ay sida ugu dhaqsiyaah badan ay ku dhici doonto, waxana uu sheegay in qof walba oo reer Galmudug ah uu isku diyaariyo doorashadaas.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug ayaa weli taagan waxaana xusid mudan in ay ku kala Shaqeeyaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana Madaxweynaha Galmudug Xaaf uu ku cel celiyey inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.