Daawo: Golaha Wasiirada Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo La Wareegay Karteelo Eber ah

0
34

Waxaa maalintii shaley ka dhacay magalada baydhabo xaflad la sheegay in xilwareejin ay ku kala sameysanayeen golihii wasiirada maamulkii Sharif Xasan iyo golaha wasiirada cusub ee maamulka Cabdicasiis lafta gareen.

Xafladani ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta maamulkaasi ay ku leeyihiin magalada baydhaba waxaana kasoo qeyb galey masuulka maalmulka Cabdicasiis Lafta Gareen waxaana karteelo aad moodo iney eber yihiin ku kala wareegsaday wasiiradii halkaasi ku sugnaa oo intooda badan ka tirsanan jirey maamulkii Shariif Xasan.

Inta badan shacabka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay is weydiyaan waxqabadkii wasiiradii hore ee maamulk shariif Xasan Maandaama intooda badan ay ku sugnaayeen magalada muqdisho isla markaana aysan jirin xafiisto ay u shaqo tagaan ama howlo ay qabteen intii ay xiilka hayeen.

Sidaasi si la mid ah wasiiradan isku shaandheynta lagu sameeyey ee dhamaantood ka tirsanaa maamulkii hore ee shariif Xasan ayaaney jirin wax waxqabad ah oo ay ka sugayaan shacabka koonfur galbeed maadaama kolkii hore ee ay xilka hayeen aysan jirin wax howl ah oo ay qabteen.

Si kastaba arintu ha ahaatee shacabka koonfur galbeed ayaa ah shacab aan horey wax loogu soo qaban run ahaantiina u baahan iney helaan hogaan iyo masuuliyiin fiican oo ka saara dhibaatooyinka baaxada leh ee ey ku jiraan, Shacabka koonfur galbeed ayaanan u baahneyn in mar kale loo soo shaqo tago oo ay ku noolaadaan 4 sanoo hor leh oo dulinimo ah.