Reysulwasaare Kheyre oo Maanta u Kicitamay Dalka Switzerland

0
33

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir Muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed iyo haweenka.

Shirkaasi ka dhacaya magaalada Geneva waxaa looga hadlayaa shaqo la’aanta dhalinyarada iyo haweenka, waxaana Kheyre laga filayaa inuu shirkaasi la tago heerka shaqo la’aan ee dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha xukuumadiisa.

Inta uu joogo magaalada Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka oo ka dhacaya isla magaalada Geneva ee dalka Switzerland.