Ciidamada Nisa oo La Wareegay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Cadaado

0
147

Warar aynu ka heleyno magalada cadaado ayaa sheegaya in ciidanka NISA qeybta Galmudug ay habeenkii xalay dagaal kula wareegay Xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug ee ku taala magaalada Cadaado.

Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA, waxaa howlgalkan ku wehliyey ciidanka Kumaandoosta Danab qeybta 21aad.

Ciidamo degaanka ah ayaa muddo sanad ku dhow gacanta ku hayey Madaxtooyada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay amarka ciidankeedu kula wareegeen Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado.