Wefdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Gaaray Dalka Jordan

0
32

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya Mohamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Wefdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradahaku soo dhaweyey guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasi Jordan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaasoo socon doon mudo labo maalmood ah.

Mohamed Mursal ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda kala duwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.