Madaafiic Lagu Garaacay Xarumaha Ay Degan Tahay Xukuumada

0
47

Ilaa shan madfac oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka.

Wararku waxaa ay sheegayaa in saddex madfac ay ku dhaceen qeybo ka mid ah madaxtooyada, halka kuwa kalana ay ku dhaceen xaafaddaha ku hareereysa madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo mid ka mid ah madaafiicday ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka,.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay khasaaraha ka dhashay madaafiicdan , waxaana khal khal uu ku abuurtay qeybo kamid ah xarunta Madaxtooytada oo lagu kala cararay dhismayaasha shubka ah.

Madaafiicdan ayaa imanaya maalin uu kaddib markii ay ciidamada dowladda soo afjareen howlgal qaatay ku dhawaad 20 saacadood oo ay kula dagaalamayeen dabley ka tirsan Ururka Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ka geystay waddada Maka Al-Mukarama.