Khasaaraha Dhabta ee Ka Dhashay Weerarkii Xalay oo Ilaa iyo Haatan aan La Ogeyn

0
38

Wali waxaan kala cadeyn xaalka goobihii ay xalay qaraxyadu ka dhaceen ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama iyo dhismayaasha ganacsi ee ku dhaw dhaw oo laga maqlayo rasaasyo waqti dambe habeenkii xalay taasoo ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo isbitaallada ayaa sheegaya in tirada dhimashada iyo dhaawacu ay sii kordheen.

Dhakhaatiirta isbitaalka Madina ayaa sheegay in ay hayaan siddeed ruux oo mayd ah isla markaana ay dabiibayaan in kabadan 30 ruux oo dhaawac ah.

Isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo Isbitaalka kale ee Digfeer ee Turkidu ay dayac tireen ayaa la sheegay in la geeyay dhaawacyo kale.

Ma jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay dawladda Soomaaliya, Dhanka kalana warbaahinta dawladda ayaan wali soo hadal qaadin weerarkan.