Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda oo Sheegay In La Bilaabi Doono Diiwaan Gelinta Doomaha Kaluumeysiga

0
105

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururada Iskaashatooyinka Kaluumeysatada Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Kaluumeysatada.

Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa Wasiirka Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaasha Ururada Iskaashatooyinka Soomaaliyeed, waxaa ay xooga saareen arrimo ay kamid yihiin diwaan gelinta doomanka kaluumeysi, Kalluumeysatada iyo habka bixinta ruqsadaha kalluumeysi oo ay bixiso Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Soomaaliya ay sameyso suuq geyn dibadd ah kaluunka dalka, iyo in la abuuro hab cusub oo lagu uruurinayo laguna keydinaya xogaha arrimahaasi la xiriira.

Wasiirka ayaa balan qaaday in suuqa ugu weyn ee Kalluunka Soomaaliya laga furayo Muqdisho, gaar ahaan Xamar weyne isagoo bu booriyey in la ilaaliyo nadaafada kaluunka si ay u yaraato cabashooyinka bulshada kaga imanaya dhinaca nadaafad darada.