Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta La Kulmay Amiirka Dalka Qadar

0
76

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Labada masuul ayaa ka wada hadley xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinac-yada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Madaxweynaha ayaa safarkan ku wehliyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac<

Wasiirka Maaliyada iyo wasiirka Dekedaha ayaa iyaguna kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madax ka tirsan dalka Qatar inta ay ku sugan yihiin magalada Doha..