Reysulwasaare Kheyre oo Maanta Xariga Ka Jaray Xabsi Cusub oo Laga Dhisay Muqdisho

0
45

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika oo laga dhisay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in xabsiggan uu wax badan kusoo kordhin doono Shaqadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Maxkamaddaha dalka.

Xabsiggaan ayaa laga dhisay Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Furitaanka Xabsiggan ayaa lagu soo beegay dabaal-dega sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.