Burundi oo Ku Hanjabtey In Dhamaan Ciidamada Ka Jooga Somaliya ay La Bixi Doonto

0
39

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ay gabi ahaanba kala bixin doonto ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya, iyadoo ka careysan go’aanka midowga Africa uu qaatay ee ah in 1,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda Burundi laga saaro Soomaaliya.

Baarlamaanka dalka Burundi ayaa isna taageeray go,aanka ay dowlada qaadatey kaasoo ah in ay dhamaan ciidamada ka jooga dalka somaliya kala bixi doonaan hadaysan amisom deynin gacan bidixeynta ay burundi ku heyso.

Wasiirka gaashaandhigga Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye, ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay horraan ku waregelisay Midowga Afrika go’aanka, Burundi waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidammo gaarayo 5000,

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Bujunbura isaga oo kulamo ku saabsan arintan la yeeshay dhiggiisa Burundi.