Cabdicasiis Lafta Gareen oo Caqabado Badan Kala Kulmay Xilkii Loo Magacaabay

0
55

Madaxweynaha loo magacaabay Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa caqabad weyn ka heysataa sidii Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay loo hor geyn lahaa Golaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Beelaha deegaanadaas, waxaana soo baxayo beelo badan oo ku qanci waayey xilalkii loo magacaabay.

Lafta Gareen ayaa hadda wado olole uu ku doonayo inuu Beelahaas ku qanciyo inay aqbalaan Wasiirada loo magacaabay.

Beelaha qaar ayaa lasoo sheegayaa inay Lafta Gareen si cad ugu sheegeyn inaysan marnaba aqbali doonin wasiirada la siiyey waxayna u sheegeyn inay kalsoonida kala noqon doonaan.

Wasiirada is casilay qaarkood ayaa sheegay in xilka loo magacaabay uusan u qalmin beeshooda isla markaasna aysan qaadan Karin halka kuwa kalana ay sheegeyn inaan lagala tashan markii loo magacaabay sidaas darteedna aysan diyaar u aheyn inay qaataan.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la aaminsan yahay inu taageero weyn ka heysto Villa Soomaaliya balse wuxuu hadda wajahayaa caqabado badan oo ay ugu horeyso sida uu Beelaha ugu qeybiyey Golihiisa Wasiirada.