War Kasoo Baxay Villa Somaliya oo Lagu Boogaadiyey Hadal Kasoo Yeeray Reysulwasaraha Itoobiya

0
38

War kasoo baxay madaxtooyada Dowlada Federaalka Somaliya oo ay ku boogaadineyso sida Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhow yeeshaan.

Warka Madaxtooyada Somalia baahisay ayaa lagu yiri: “Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Muuse, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar..”

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhiirrigelineyso dadaalka uu wado Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo sida warka lagu sheegay muujiyay sida ay uga go’an tahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya & Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa ka danbbeeyay wadahadal magaalada Addis ababa ku dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland.