Ciidamada Burundi ee Ku Sugnaa dalka Somaliya oo La Bilaabay In Dib Loogu Celiyo Dalkooda

0
54

Qeyb ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta bilowdey dib u celintooda ayadoo la doonayo in dib dalkooda loogu celiyo ilaa iyo 1000 askari oo ka mid ah ciidamada burundi ee ku sugan dalka somaliya.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayeey sheegeen saraakiishu in ay gaareen magaaalada Bujunbura ilaa 200 oo askari oo bilow u ah 1.000 askari oo midowga Africa uu dalbaday in dib loogu celiyo dalkooda.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay halkeeda ka soo socto daabulida ciidamada Burundi oo intooda badan ka imanaya deegaannada gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka howlgalaan.

Dowladda Burundi guud ahaan marka la eego kuma qanacsana go’aanka midowga Africa uu Sooomaaliya uga soo saarayo qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan AMISOM, waxaana uu madaxweynaha dalkaas ku baaqay shir deg deg ah oo arritan ka yeeshaan dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya.