
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa Goordhaweyd ka dhacay degmada Xamar weyne, Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taala Agagaarka Saldhigga degmada Xamarweyne iyo Muqdisho Mall, waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ilaa iyo hada waxaa la sheegayaa in qaraxani ay ku dhinteen 11 ruux halka dhawaca uu kor u dhaafay toboneeyo iyo weliba burbur soo gaaray dhismihii ku dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxyada ka dhaca magalada muqdisho ayaa beryahan dambe si aad ah ugu soo badanaya kasoo inta badan ay dhibato kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.