Madaxii Dekeda Boosaaso ee Shirkada P&O oo Boosaaso Lagu Toogtay

0
225

Madaxii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray weerar subaxnimadii hore ee Isniinta maanta ka dhacay dekedda Boosaaso, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada sarkaalka, iyadoo wararka ay inta ku darayaan in gacanta lagu hayo ninka fuliyay weerarka.

Paul Anthony , oo u dhashay jasiirada Malta ayaa loo magacaabay maamullaha dekedda Boosaaso 12kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2017.