
Wasiirka warsarada maaliyadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.
Abdirahmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadley kulanka kadib ayaa sheegay in Dalka Shiinaha uu yahay dal muhiim u ah saaxiibtinimada isla markaana xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya.
Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo Dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed waxtar weyn u leh.
