
Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Gaar ahaan duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ayuu sheegay Mareykanku in ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay duqeymaha ay ku beegsanayaan xoogagga Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, lamana oga in ay jiraan khasaare dadka rayidka ah ka soo gaara duqeymahan.